One Stop Shops (Somali)

Kawnsalka Tower Hamlets Council, Dukaanka Adeegga Furan (One Stop Shops) waxa uu bixiyaa adeegyo toos ah iyo macluumaad iyo taageero kale oo kuu suurtogelinaya inaad habsami ku heshid adeegyada Kawnsalka iyo kuwa kale ee ay bixiso shirkadda guryaha Tower Hamlets Homes.

Shaqaalaheennu waa xirfadlayaal takhasus u leh daryeelka macaamiisha oo qasadkoodu yahay inay baahida macmiilka hormariyaan, waxayna ka hawlgalaan dhowr meelood oo ka mid ah degmada.

Waxaad nagala soo xiriiri kartaa:

          Xaafadda South Poplar xarunteeda adeegga waxay ku dhextaal dukaanka One
          Stop Shop.

          Xaafadda Bethnal Green xarunteeda adeegga waxay ku dhextaaldukaanka One
          Stop Shop.

          Xaafadda Bow & North Poplar xarunteeda adeegga waxay ku dhextaal dukaanka
          One Stop Shop.

          Xarunta waxay ku dhextaal dukaanka One Stop Shop.

          Xaafadda xarunteeda adeegga waxay ku dhextaal dukaanka

Saacadaha shaqadu waa:

  • Isniin – Jimce, saacadaha 9ka subaxnimo iyo 5ta galabnimo
  • Sabti 9th subaxnimo ilaa 1da duhurnimo (Waxa furan dukaamada Bethnal Green iyo Stepney & Wapping keliya)
  • Xafiisyadu waa xiran yihiin Fasaxyada

Habsami u isticmaalka:

  • South Poplar:                        
    • Waxa sahal ku geli kara  baabuurta curyaamiinta
    • Qalabka dadka dhagaha culus wax ku dhagaystaan ayaa yaala qaabilaadda
    • Mashiinka lacagaha lagala baxo (ATM) marka lacagta Kawnsalka la bixinayo
    • Tareenka fudud, DLR: uga deg All Saints
    • Basaska: D8, D7,D6, 15,115,

  •  Bethnal Green:
    • Waxa sahal ku geli kara  baabuurta curyaamiinta
    • Qalabka dadka dhagaha culus wax ku dhagaystaan ayaa yaalla qaabilaadda
    • Mashiinka lacagaha lagala baxo (ATM) marka lacagta Kawnsalka la bixinayo
    • Tareenka dhulka hoosteeda: uga deg Bethnal Green
    • Basaska: 8, D3, 388

  • Isle Of Dogs :
    • Waxa sahal ku geli kara baabuurta curyaamiinta
    • Qalabka dadka dhagaha culus wax ku dhagaystaan ayaa yaalla qaabilaadda
    • Mashiinka lacagaha lagala baxo (ATM) marka lacagta Kawnsalka la bixinayo
    • Tareenka fudud, DLR: uga deg South Quay
    • Basaska: D6, D3

  • Stepney & Wapping:
    • Waxa sahal ku geli kara baabuurta curyaamiinta
    • Qalabka dadka dhagaha culus wax ku dhagaystaan ayaa yaalla qaabilaadda
    • Mashiinka lacagaha lagala baxo (ATM) marka lacagta Kawnsalka la bixinayo
    • Tareenka fudud, DLR: uga deg Shadwell
    • Basaska: 15, 115, 339, D3, 100

  • Bow & North Poplar:
    • Waxa sahal ku geli kara baabuurta curyaamiinta
    • Qalabka dadka dhagaha wax ku dhagaystaan ayaa yaalla qaabilaadda
    • Mashinka lacagaha lagala baxo (ATM) marka lacagta Kawnsalka la bixinayo
    • Tareenka fudud, DLR: uga deg Bow Church
    • Tareenka dhulka hoosteeda: uga deg Bow Road
    • Basaska: 8,339

Nagala soo xiriir:

Nagu soo booqo mid kasta oo ka mid ah shanteenna xarrumood.

Su’aalaha guud: telefoonka 020 7364 5020

Su’aalaha loo hayo Tower Hamlets Homes: telefoonka 020 7364 5015

Iimayl: generalenquiries@towerhamlets.gov.uk

Websayt: www.towerhamlets.gov.uk/onestopshop/

Welcome to Tower Hamlets Homes Banner

Tower Hamlets Homes manages housing services for Tower Hamlets Council.

Tower Hamlets Homes is a trading name of Tower Hamlets Homes Limited, a not for profit company limited by guarantee controlled by the London Borough of Tower Hamlets. Registered in England 06249790. VAT Registration No 912 4819 30. Registered Office: Jack Dash House, 2 Lawn House Close, Marsh Wall, London E14 9YQ.