Somali
''Sida aynu kuu caawin karno haddii aadan ku hadlin ama
fahmaynin luqadda Ingiriiska”
Tower Hamlets Homes waxaa ka go’an
xaqiijinta in si siman loo wada helo adeegyada. Iyadoo taas niyadda
lagu hayo waxaan awoodnaa inaan idiin fidino adeegyo turjumaad ah
oo bilaash ah una furan dadka aan ku hadlin luqadda Ingiriiska.
Tower Hamlets Homes waxay isticmaalaan
adeeg turjumaad oo ku baxaya luqado badan oo ay ka mid yihiin
Bengali, Somali, Carabi, Fiiyatnaamiis, Kantooniis iyo luqado
kale.
Haddii aad u baahan tahay inaad adeeggan
isticmaashid, fadlan tag 'One Stop Shop' halkaasoo ay joogaan
shaqaale ku caawin kara. Haddii shaqaalaha jooga aysan ku hadlin
luqaddaada, waxaan kuu diyaarin karnaa turjumaan kaa caawiya khadka
telefoonka inta aad halkaas joogtid.
Haddii aad ballan la leedahay Tower Hamlets
Homes aadna uugu baahan tahay in laguu sharraxo qoraal, waxaan kuu
diyaarin karnaa qof turjumaan ah oo kuu sharraxa idinka oo wada
jooga.
Marka aad tagtid dukaanka 'One Stop Shop' waa
inaad tilmaantaa luqadda aad fahmi kartid adiga oo ka eegaya
shaashadda luqadaha 'Language Identification Screen' ee taala
risabshinka si aan u ogaano luqadda aad ku hadashid.
Haddii aad doonaysid inaad baratid ama sii
wanaajisid kartidaada Ingriisiga, Tower Hamlets Homes waxay kaa
caawin kartaa inaad is qortid koorsooyinka barashada luqadda
Ingiriiska ee goobo ku yaala degmada. Koorsooyinkan mararka
qaarkood waa bilaash. Macluumaad dheeraad ah fadlan booqo xafiska
degaanka ee lagu magacaabo IDEA Store wixii faahfaahin dheeraad ah,
ama booqo internetka http://www.ideastore.co.uk/.